Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL Cabdirisaaq Jaamac Nuur

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL Cabdirisaaq Jaamac Nuur oo ay weheliyaan xubno kamida agaasime waaxeedada wasaaradda waxbarashada iyo gudoonka waxbarashada gobolka Togdheer ayaa kormeeray qaar kamida dugsiyada magaalada Burco. Kormeerkan oo ujeedadiisu daaranayd sidii masuuliyiinta wasaradda waxbarashadu xog-ogaal ugu noqon lahaayeen xaaladaha waxbarashada ee dugsiyada magaalada Burco ayaa kormeeray qaar kamida dugsiyada, waxaana halkaa kusoo dhaweeyay maamulayaasha dugsiyada waftigu booqday, iyagoo mid mid u galay fasalada ay ka socoto waxbarashadu, waxaanay warbixino ka dhagaysteen maamulka, macalimiinta iyo ardayda sida ay waxbarashado u socoto