Posts

Showing posts from April, 2025

𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨-𝐬𝐡𝐚𝐫𝐚𝐟 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐦𝐚𝐚𝐦𝐮𝐮𝐬𝐚𝐲 𝐀𝐛𝐰𝐚𝐚𝐧𝐚𝐝𝐚 , 𝐅𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐛𝐚𝐡𝐝𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

Image
 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝  𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨-𝐬𝐡𝐚𝐫𝐚𝐟 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐦𝐚𝐚𝐦𝐮𝐮𝐬𝐚𝐲 𝐀𝐛𝐰𝐚𝐚𝐧𝐚𝐝𝐚 , 𝐅𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐛𝐚𝐡𝐝𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa kulan casho sharaf ah caawa Qasriga Madaxtooyada kula qaatay Abwaannada, Fannaaniinta, iyo qaybaha kala duwan ee bahda dhaqanka reer Somaliland.  Kulankan casho sharafta ah oo ka mid ah kulammo is daba joog ah oo uu Madaxweynuhu hore ula qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana ay ujeeddadiisu ahayd mahadnaq uu Madaxweynuhu ugaga mahad naqayey kaalinta muhiimka ah ee ay bahda dhaqanku ku leeyihiin wacyi-gelinta , hagista, ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka bulshada, iyo wadajirka iyo  midnimada ummadda Somaliland.

𝐆𝐮𝐝𝐢𝐝𝐚 𝐑𝐮𝐪𝐬𝐚𝐝 𝐁𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐡𝐚𝐱𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐨𝐨𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛.

Image
 𝐆𝐮𝐝𝐢𝐝𝐚 𝐑𝐮𝐪𝐬𝐚𝐝 𝐁𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐡𝐚𝐱𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐨𝐨𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛. Fadhiga Maanta ee Gudida Ruqsad bixinta iyo Anshax marinta qareenada somaliland oo ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda JSL   ayaa lagu doortay gudoomiye cusub kaas oo hogaamin doona Gudida Ruqsan Bixinta Iyo Anshax Marinta Qareenada. Fadhigan shirkan oo uu shir-gudoominayey Wasiirka Wasaarada Caddaalada Somaliland Mudane Yoonis Axmed Yoonis Goob-joog Ahaa Agaasimaha Guud Wasaaradda Cadaaladda Mudane Maxamed Cabdi Xaashi, Xoghayaha Ururka Qareenadda Somaliland kana soo xaadireen Xubnaha Gudida, Kaas oo awood u siinaya Wasiirka wasaarada Cadaalada inuu iskugu yeedho fadhiga Gudida sida uu dhigayo Wax ka-badalka iyo kaabiska Xeerka Qareenadda Xeer Lr: 30/2004  Fadhigan Lagu Doortay Gudoomiyaha Cusub Ee Gudida Ruqsad bixinta iyo Anshax Marinta qareenada somaliland Garyqaan Xamse Maxamuud X...
Image
 Wasiir Kuxigeenka  Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka  JSL Axmed Cumar X.Cabdulahi -Xamarji oo ay wehelinayaan Maayarada Hargeysa Abdikarim Ahmed Mooge Berbera Moyir Cabdishakuur Cidin  , Boorama, Gebilay, Tog-Wajaale iyo Masuulin kale oo ka tirsan Dawladda ayaa ka qaybgalay shirka caalamiga ah oo ay soo qaban-qaabiyeen Hay'adda City Alliance iyo Jaamacada Jigjiga, kaasoo maanta ka furmay Magaalada Adisababa ee Dalka Itoobiya. Shirkan ayaa waxaa ka qaybgalay madaxda Magalooyinka  uu maro corridoku, kaasoo isku xidha Magaalooyinka Berbera iyo Addis-Ababa, (the East African City Corridor Dialogue). Shirkan ayaa lagaga hadlayaa Iskaashiga Gobolka, isu-socodka Ganacsiga, Isbedelka Cimilada, horuumarinta Magaalooyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha.