𝐆𝐮𝐝𝐢𝐝𝐚 𝐑𝐮𝐪𝐬𝐚𝐝 𝐁𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐡𝐚𝐱𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐨𝐨𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛.

 𝐆𝐮𝐝𝐢𝐝𝐚 𝐑𝐮𝐪𝐬𝐚𝐝 𝐁𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐡𝐚𝐱𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐨𝐨𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛.




Fadhiga Maanta ee Gudida Ruqsad bixinta iyo Anshax marinta qareenada somaliland oo ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda JSL   ayaa lagu doortay gudoomiye cusub kaas oo hogaamin doona Gudida Ruqsan Bixinta Iyo Anshax Marinta Qareenada.

Fadhigan shirkan oo uu shir-gudoominayey Wasiirka Wasaarada Caddaalada Somaliland Mudane Yoonis Axmed Yoonis Goob-joog Ahaa Agaasimaha Guud Wasaaradda Cadaaladda Mudane Maxamed Cabdi Xaashi, Xoghayaha Ururka Qareenadda Somaliland kana soo xaadireen Xubnaha Gudida, Kaas oo awood u siinaya Wasiirka wasaarada Cadaalada inuu iskugu yeedho fadhiga Gudida sida uu dhigayo Wax ka-badalka iyo kaabiska Xeerka Qareenadda Xeer Lr: 30/2004 

Fadhigan Lagu Doortay Gudoomiyaha Cusub Ee Gudida Ruqsad bixinta iyo Anshax Marinta qareenada somaliland Garyqaan Xamse Maxamuud Xasan  Maadaama Gudoomiyihii hore iska casilay Xilkii iyo xubinimadii Gudida Mudane Maxamed Cismaan Xasan.

Wasiirka Cadaaladdda Ayaa Kula Datdaarmay Gudida inay Dardar galiyaan Shaqada Gudida iyo waajibaadka uu siinayo Xeerka Qareenadu”


Comments

Popular posts from this blog

Xaflada sanad Dugsiyeed Al hayaat schools