Posts

Showing posts with the label Wararka

Xaflada sanad Dugsiyeed Al hayaat schools

Image
 Guddoomiye kuxigeenka waxbarashada gobolka M.jeex Saleebaan Siciid Saleebaan ayaa ka qayb galay munaasibada loo qabtay Arday dhammaysatay Qur'aanka Kariimka ah iyo ardeydii kaalmaha hore ka gashay Imtixaankii dugsiga ee sannad dugsiyeedka 2022-2023-ka ee dugsiga hoose/dhexe Almis ee caasimada Hargeisa. Guddoomiye kuxigeenka waxbarashada gobolka M.jeex Saleebaan Siciid Saleebaan oo munaasibadaa ka hadlay ayaa kula dardaarmay waalidiinta iyo macallimiinta dugsiga Almis, in ardeyda waxbarashada halkaa looga sii wado oo ay ku dedaalaan in aanay dayacin dedaalkaa la geliyey.

Photo Dayib guray

 15-Oct-2023 Axad MUNAASIBAD XILKA LOOGU  KALA WAREEJINAYAY MAAMULIHII HORE  EE DUGSIGA SARE EE DAYIB GURAY IYO MAAMULKA CUSUB AYAA LAGU QABTAY XARUNTA DUGSIGA. Munaasibad ballaadhan oo ay xilka kula kala wareegayeen maamulihii hore ee dugsiga Dayib Guray, MOHAMED MOHAMOUD YUSUF Mudane  ( Mudane) IYO MUUSE MAXAMED MAXAMUUD ( Derejo ) ayaa ka qabsoontay xarunta dugsiga sare ee Dayib Guray. Waxaana madasha xil wareejinta ka qayb-galay Gudoomiye kuxigeenka waxbarashada gobolka Maroodi-jeex SALEBAAN SICIID SALEEBAAN. Madaxa shaqaalaha Gobolka ABDIRAHMAN YUSUF XASAN, Masuuliyiin kale iyo weliba marti sharaf aad u badan. Xaflada ayaa waxaa laga wada qiray 4 tii sano ee Maamule MUDANE dugsiga daadihinayey inuu ahaa maamule hawlkar, daacad, aamin iyo talawadaagnimo in uu mutaysatay waxbadana ka qabtay dugsiga sare DAYIB GURAY.  Masuuliyiinta xilwareejinta ka qayb-galay ayaa dhamaantood u mahad celiyay maamulihii hore ee dugsiga DAYIB GURAY. Waxaana ay ardaydu gudoonsiiy...

Xaflad dugsiga Abuhuraya

Image
 Gudoomiye ku-xigeen gobolka maroodi-jeex Saleebaan Siciid Saleebaan ayaa ka qayb galay Xaflada Abaalmarinta Ardaydii ugu saraysay sanad Dugsiyeedka 2022/2023 Ee dugsiyada Abu hurayra Secondary school. Gudoomiyaha oo halkaasi ka hadlay ayaa ardayda kula dardaarmay inay ku dadaalaan waxbarashada.

Xuska maalinta macalinka Aduunka

 Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland oo qabatay  xuska maalinta macallimiinta adduunka. Munaasibadan oo ka dhacday huteel Grand Haadi ee magaalada Hargaysa ayaa waxaa kasoo qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska JSL Cabdirisaaq Jaamac Nuur(Naakhuude), agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka, agaasime waaxeedyada  wasaaradda waxbarashada, macallimiin iyo marti sharaf kale. Ugu horayn waxaa halkaasi khudbado la xidhiidha muhiimada maalintan iyo kaalinta wanaagsan ee macallimiinta kaga jiraan horumarka bulshada ka jeediyay agaasimaha waaxda waxbarashadda dadban iyo agaasimaha cilmi baadhista. Masuuliyiintan ayaa ku dheeraaday in xuska maalintani kaalin mug leh ugu jiro macallimiinta kala duwan ee ka howlgala dalka. Geesta kale waxaa halkaasi ka hadlay qaar kamida macallimiinta kuwaasi oo ka waramay kaalinta ay bulshada ugu jiraan iyo sida ay heeganka ugu yihiin in ay qarankooda u adeegaan isla-markaana ay u soo ...