Xuska maalinta macalinka Aduunka

 Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland oo qabatay  xuska maalinta macallimiinta adduunka.


Munaasibadan oo ka dhacday huteel Grand Haadi ee magaalada Hargaysa ayaa waxaa kasoo qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska JSL Cabdirisaaq Jaamac Nuur(Naakhuude), agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka, agaasime waaxeedyada  wasaaradda waxbarashada, macallimiin iyo marti sharaf kale.


Ugu horayn waxaa halkaasi khudbado la xidhiidha muhiimada maalintan iyo kaalinta wanaagsan ee macallimiinta kaga jiraan horumarka bulshada ka jeediyay agaasimaha waaxda waxbarashadda dadban iyo agaasimaha cilmi baadhista. Masuuliyiintan ayaa ku dheeraaday in xuska maalintani kaalin mug leh ugu jiro macallimiinta kala duwan ee ka howlgala dalka.


Geesta kale waxaa halkaasi ka hadlay qaar kamida macallimiinta kuwaasi oo ka waramay kaalinta ay bulshada ugu jiraan iyo sida ay heeganka ugu yihiin in ay qarankooda u adeegaan isla-markaana ay u soo saareen jiilal kala duwan.


Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Muuse Jaamac Abyan oo halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay qiimaha uu macalinku u  leeyahay bulshada, waxaa uu sidoo kale wasaaradda waxbarashadda ku booriyay in la maamuuso macallimiinta oo la xuso waxqabadkooda.


Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska  Cabdirisaaq Jaamac Nuur oo khudbad ka jeediyay munaasibadan waxaa uu sharaxay muhiimada macalinku u leeyahay koboca waxbarashada dalka iyo adduunkaba.


Agaasime Cabdirisaaq waxaa uu hambalyo u diray dhamaan macallimiinta ku nool Somaliland meelkasta oo ay joogaan munaasibadda maalinta caalamiga ah ee adduunku u asteeyay in la xuso macallimiinta.


Munaasibadan oo sannad walba adduunka laga xuso 5 bisha October waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska 

Comments

Popular posts from this blog

Xaflada sanad Dugsiyeed Al hayaat schools