Xilwareejin Dayib Guray

15-Oct-2023

Axad


MUNAASIBAD XILKA LOOGU  KALA WAREEJINAYAY MAAMULIHII HORE  EE DUGSIGA SARE EE DAYIB GURAY IYO MAAMULKA CUSUB AYAA LAGU QABTAY XARUNTA DUGSIGA.


Munaasibad ballaadhan oo ay xilka kula kala wareegayeen maamulihii hore ee dugsiga Dayib Guray, MOHAMED MOHAMOUD YUSUF Mudane  ( Mudane) IYO MUUSE MAXAMED MAXAMUUD ( Derejo ) ayaa ka qabsoontay xarunta dugsiga sare ee Dayib Guray.

Waxaana madasha xil wareejinta ka qayb-galay Gudoomiye kuxigeenka waxbarashada gobolka Maroodi-jeex SALEBAAN SICIID SALEEBAAN. Madaxa shaqaalaha Gobolka ABDIRAHMAN YUSUF XASAN, Masuuliyiin kale iyo weliba marti sharaf aad u badan.

Xaflada ayaa waxaa laga wada qiray 4 tii sano ee Maamule MUDANE dugsiga daadihinayey inuu ahaa maamule hawlkar, daacad, aamin iyo talawadaagnimo in uu mutaysatay waxbadana ka qabtay dugsiga sare DAYIB GURAY. 


Masuuliyiinta xilwareejinta ka qayb-galay ayaa dhamaantood u mahad celiyay maamulihii hore ee dugsiga DAYIB GURAY.

Waxaana ay ardaydu gudoonsiiyeen hadyado iyo shahaado sharaf, masuuliyiintu waxay ku ammaaneen tacabka uu galiyay ardayda iyo dugsiga,iyagoo sidoo kalena soo dhaweeyay lana dardaarmay maamulaha cusub,kuna booriyay inu halkaa ka sii wado korna usii qaado waxbarashada Dugsiga iyo ardaydaba.

Maamulihii hore ee dugsiga Dayib Guray MAXAMED MAXAMUUD YUSUF oo munaasibada ka hadlay ayaa sheegay in mudadii uu joogay dugsiga ay waxbadani u qabsoomeen islamarkaana waxbarashada dugsiga uu kor u qaaday. Dhiniciisa maamulaha cusub ee dugsiga MUUSE MAXAMED MAXAMUUD ( Derejo) ayaa ballan-qaaday inu halkaa kasii wadi doono dedaalka ardayda iyo hagaajinta dugsiga.


Gabagabadii Gud/xigeenka waxbarashada gobolka Maroodi-jeex oo xilka u kala wareejiyay labada maamule ayaa maamulihii hore uga mahadnaqay dedaalka iyo horumarka uu dugsiga gaadhsiiyay,waxaanu maamulaha cusub kula dardaarmay inu halkaa kasii wado dedaalka korna usii qaado dedaalka socday,sidoo kale waxa uu Gudoomiyuhu sheegay in ka xukuumad ahaan ay dugsiga ka taageerayaan wixii uu u baahanyahay,ardaydana waxa uu usoo jeediyay inay dedaalaan oo waxbarashadooda ku dedaalaan.


Daqiiqado kadib waxaad daawan doontaan muuqaalka qaabkii ay xafladu u dhacday.


Xafiiska Arrimaha Ardayda.

Comments

Popular posts from this blog

Xaflada sanad Dugsiyeed Al hayaat schools