𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨-𝐬𝐡𝐚𝐫𝐚𝐟 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐦𝐚𝐚𝐦𝐮𝐮𝐬𝐚𝐲 𝐀𝐛𝐰𝐚𝐚𝐧𝐚𝐝𝐚 , 𝐅𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐛𝐚𝐡𝐝𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨-𝐬𝐡𝐚𝐫𝐚𝐟 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐦𝐚𝐚𝐦𝐮𝐮𝐬𝐚𝐲 𝐀𝐛𝐰𝐚𝐚𝐧𝐚𝐝𝐚 , 𝐅𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐛𝐚𝐡𝐝𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa kulan casho sharaf ah caawa Qasriga Madaxtooyada kula qaatay Abwaannada, Fannaaniinta, iyo qaybaha kala duwan ee bahda dhaqanka reer Somaliland. Kulankan casho sharafta ah oo ka mid ah kulammo is daba joog ah oo uu Madaxweynuhu hore ula qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana ay ujeeddadiisu ahayd mahadnaq uu Madaxweynuhu ugaga mahad naqayey kaalinta muhiimka ah ee ay bahda dhaqanku ku leeyihiin wacyi-gelinta , hagista, ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka bulshada, iyo wadajirka iyo midnimada ummadda Somaliland.