15-Oct-2023 Axad MUNAASIBAD XILKA LOOGU KALA WAREEJINAYAY MAAMULIHII HORE EE DUGSIGA SARE EE DAYIB GURAY IYO MAAMULKA CUSUB AYAA LAGU QABTAY XARUNTA DUGSIGA. Munaasibad ballaadhan oo ay xilka kula kala wareegayeen maamulihii hore ee dugsiga Dayib Guray, MOHAMED MOHAMOUD YUSUF Mudane ( Mudane) IYO MUUSE MAXAMED MAXAMUUD ( Derejo ) ayaa ka qabsoontay xarunta dugsiga sare ee Dayib Guray. Waxaana madasha xil wareejinta ka qayb-galay Gudoomiye kuxigeenka waxbarashada gobolka Maroodi-jeex SALEBAAN SICIID SALEEBAAN. Madaxa shaqaalaha Gobolka ABDIRAHMAN YUSUF XASAN, Masuuliyiin kale iyo weliba marti sharaf aad u badan. Xaflada ayaa waxaa laga wada qiray 4 tii sano ee Maamule MUDANE dugsiga daadihinayey inuu ahaa maamule hawlkar, daacad, aamin iyo talawadaagnimo in uu mutaysatay waxbadana ka qabtay dugsiga sare DAYIB GURAY. Masuuliyiinta xilwareejinta ka qayb-galay ayaa dhamaantood u mahad celiyay maamulihii hore ee dugsiga DAYIB GURAY. Waxaana ay ardaydu gudoonsiiy...